1140 Views

Mareykanka oo war kasoo saaray Gobolada uu Aqoonsaday Dalka Ruushk

Mareykanka oo war kasoo saaray Gobolada uu Aqoonsaday Dalka Ruushk
____________________________________________________________________________

Talaado: February 22, 2022

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah labada gobol ee kala ah Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine ka dib markii Ruushku u aqoonsaday dawlado madax banaan.

Cunaqabatayntan lama saaridoono Ruushka, balse waxa la saarayaa gooni u goosadka Ruushka taageersan ee maamula Donetsk iyo Luhansk. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa caawa ku dhawaaqay in Ruushku u aqoonsaday dhul madax bannaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saari doona amar uu ku mamnuucayo maal-gashiga cusub, ganacsiga iyo maalgelinta dadka Mareykanka ee ka imaanaya, labada gobol, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki.

“Amarka ayaa awood siin doona in cunaqabatayn lagu soo rogo qof kasta oo damacsan inuu ka hawlgalo Goboladan” ayay tiri Psaki.

Waxay intaas ku dartay in cunaqabatayntan ay garab taagan tahay cunaqabatayn ballaadhan oo reer galbeedka ah haddii Ruushku soo galo Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post