972 Views

Dowladda Sri Lanka oo Jaziirad fog u qoondeysay in lagu aaso meydadka dadka Muslimiinta iyo masiixiyiinta ah ee uu dilay cudurka Covid-19.

Dowladda Sri Lanka oo  Jaziirad fog u qoondeysay in lagu aaso meydadka dadka Muslimiinta iyo masiixiyiinta ah ee uu dilay cudurka Covid-19.
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Dadka heysta diinta islaamka iyo kuwa masiixiyiinta ah ayaa looga tiro badan yahay dalkaas.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa markii hore bulshooyinkaas laga tirada badan yahay ku khasbayay in ay dadka ka dhinta meydadkooda gubaan, iyagoo raacaya shacabka aqlabiyadda waddankaas ka ah ee heysta diinta Budiistaha.

Waxay dowladdu ku dooneysay in aaska meydadka uu fayraska ku tallaalayo biyaha ku jira dhulka.

Hase yeeshee go’aankaas ayaa isbuucii lasoo dhaafay meesha laga saaray kaddib markii ay canbaareeyeen ururrada u dooda xuquuqda aadanaha.

Diinta Islaamka ayaa mamnuuceysa in meydadka la gubo.

Jasiiradda lagu magacaabo Iranathivu, oo ku taalla Gacanka Mannar, ayaa hadda noqotay goobta lagu aasi doono meydadka dadka ku dhinta dalkaas.

Waxay ku taallaa meel masaafe ahaan 300km (186 meyl) ka fog magaalada caasimadda ah ee Colombo. Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay Jasiiraddaas u dooratay ay tahay maadaama ay ku nool yihiin dad aad u yar.

Muslimiinta dalkaas ayaa si weyn uga cadhooday sharciga gubitaanka meydadka ee lasoo saaray bishii April ee sanadkii 2020-kii, waxayna sheegeen in uusan jirin wax cilmi dhinaca seyniska ah oo taageeraya sababta ay dowladda u qaadatay go’aankaas.

Muslimiinta ku nool waddanka Sri Lanka ayaa ah 10% ka mid ah shacabka dalkaas.

Hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale kasoo hor jeestay go’aanka dowladda Sri Lanka.

Golaha Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in sharciga gubitaanka meydadka uu sharaf darro ku yahay dareenka diimeed ee qoysaskooda laga dhintay, gaar ahaan Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo qaar ka mid ah Budiistayaasha.

Gubitaan khasab ah oo lagu sameeyay meydka ilmo 20 maalmood jiray oo ay dhaleen qoys muslimiin ah ayaa sii xoojiyay dhaleeceynta loo jeedinayay sharcigaas.

Laakiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha muslimiinta iyo masiixiyiinta ayaa kasoo hor jeestay go’aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda.

“Go’aankan waa mid aad u qallafsan oo aan wax micno ah ku fadhinin,” ayuu yidhi Hilmy Ahamed, oo ah madaxweyne ku xigeenka Golaha Muslimiinta ee Sri Lanka, oo la hadlayay BBC-da.

“Kani waa qorshe lagu cunsuriyeynayo dad. Qeybta ugu murugada badan ee go’aankan waa in Muslimiinta laga hor geynayo dadka qowmiyadda Tamil ee ku nool aaggaas,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Fr Madutheen Pathinather, oo ah baadari ku nool jasiiraddaas, ayaa isagana BBC-da u sheegay in bulshada ku dhaqan halkaas “ay aad uga xanuunsadeen” go’aankan cusub.

“Si adag ayaan uga soo hor jeednaa tallaabadan. Arrintani waxay dhib u keeneysaa bulshada maxalliga ah,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in shacabka daggan jasiiraddaas ay yihiin 250 qof oo Tamil ah, kuwaasoo ka barakacay dagaalkii sokeeye ee horaantii 1990-meeyadii, ayna halkaas ku noqdeen 2018-kii.

Bulshooyinka Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ayaa sheegay in ay farxeen isbuucii lasoo dhaafay markii ay maqleen in meesha laga saaray gubitaankii meydadka ee khasabka ahaa. Laakiin waxay aad uga naxeen go’aanka cusub ee sheegaya in meydadka loo qaado jasiirad.

Waxay sheegeen in tallaabadas aysan ahayn mid dani ugu jirto, balse ay tahay oo kaliya aflagaaddo kale oo loo geystay.

Ilaa hadda 450 ruux ayaa cudurka Covid-19 ugu dhintay dalka Sri Lanka, ku dhawaad 300 oo ka mid ahna waxay kasoo jeedaan bulshada laga tirada badan yahay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post