1005 Views

SAWIRO:-Kulamo lagu xalinaayo xiisada Buulo Burde oo socda

SAWIRO:-Kulamo lagu xalinaayo xiisada Buulo Burde oo socda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan weli waxaa ku sugan wafdi ka socda Maamulka Hir-Shabeelle,kuwaas oo halkaasi ka wada xalinta xiisadii ka dhalatay Maamulka loo Magacaabey degmadaas.

 

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo la taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweyanaha Hir-Shabeelle Maxamed Faarax ayaa waxaa ay Buulo-Burde ka wadaan kulamo xal loogu raadinayo sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan degmadaas.

 

 

 

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Odyaasha Magaalada, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee AMISOM,waxaana wararku sheegayaan in inta badan xal laga gaaray Arrimihii la isku heystay.

 

Dhawaan degmada Buulo Burde waxaa ka dhacay banaanbax sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac laba kale,kadib markii dad kasoo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle oo dhigayey banaanbax ay rasaas ku fureen Ciidamada Jabuuti.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment