267 Views

Abuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan Dhalisay Maalmihii lasoo Dhaafay

Abuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan Dhalisay Maalmihii lasoo Dhaafay
____________________________________________________________________________

 

 Talaado: SEPTEMBER 19, 2022

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roobboow (Abuu Mansuur) uu wehliyo kuxigeenkiiisa ayaa kulan la qaatay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulankan dhax maray labada wasiir iyo xubnaha la socday ayaa looga hadlay sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen labada wasaaradood iyo sidii looga arrinsan lahaa arrimaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiir  Roobow Abuu Mansuur kala hadlay wasiir Khadiija Diiriye in ay wanaajiso hab labiskeeda, sidoo kale wasaaradda ka digtoonaado arrimaha jinsiga gaar ahaan kuwa wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli hadal heyn badan uu ka dhashay sulwaal ay dhawwaan ku labisatay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye xilli ay dalka dibaddiisa u safreysay, waxaana labiskaasi dhaleeceeyay culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada qaarkood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post