2004 Views

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Oo Shuruud Ku Xiray Inuu Xilka Wareejiyo

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Oo Shuruud Ku Xiray Inuu Xilka Wareejiyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa habeen kahor waxa uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin sufuroow,isaga oo xilkaas u Magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Hayeeshee waxaa haatan soo baxaya wararar sheegaya in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cabdullaahi Maalin sufurow uu shuruud adag ku xiray inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha Cusub.

Warar ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin sufuroow uusan xilka wareejin doonin ilaa uu ka helo lacag gaareysa 84,000 oo dollar taa soo uu sheegay inuu ku dhisay Wadooyin muhiim ah oo ay jareen fatahaadihii iyo roobabkii ka da’ay Magalada Baladweyne.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan loo Magacaabay ee Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa xilkaan waxaa loo Magacaabay markii Afaraad,waxaan haatan uu ku sugan yahay Magalada Muqdisho,iyada oo maalmaha soo socdo la filayo in u ambabaxo Magalada Baladweyne si xilka loogu wareejiyo.

Marka laga soo tago shuruudaan uu ku xiray inuu xilka wareejiyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin sufuroow ayaa waxaa jirtay in Cali jeyte Cismaan oo ka horeeyey si la mid ah uu u diiday inuu xilka wareejiyo walow markii dambe xal laga gaaray khilaafkii sababay.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment