3687 Views

Masar,Itoobiya iyo Sudan Oo Maanta Ka wada Hadlaya Wabiga Niil.

Masar,Itoobiya iyo Sudan Oo Maanta Ka wada Hadlaya Wabiga Niil.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 29 Jan, 2018 –Madaxda Waddamada Suudaan,Masar iyo Itoobiya ayaa maanta la filayaa in ay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya,halkaas oo uu ka socda shir madaxeedka 30aad ee Midowga Afrika.

Masar,waa dalka kaliya ee ka mid ah saddexdan dal oo nolosha dadkiisa ay ku tiirsan tahay biyaha Wabiga Niil,halka Itoobiya ay dooneyso in ay  ka sameyso biya xireen ay ka dhaliso Korontada.

Itoobiya waxaa ay sheegtay  $4bilyan oo dollar ay hadda kaga baxday mashruuca biya xireenkan oo 60% la dhameeyay sida ay sheegtay kaas oo marka guud ahaan uu dhamaadana soo saaraya 6,000MW.

Cumar Xasan Al-Bashiir, Cabdi Fataax Alsisi iyo Hailemariam Desalegn, ayaa maanta kulanka yeelan doono iyada oo marka laga reebo Ra’islawasaaraha Itoobiya labada kale ay kordhiyeen waqtiga ay joogayaan Adis ababa.

Wadahadallada Madaxda saddexda dal ayaa muddo hakad ku jiray kaddib markii warar ay baahiyeen warbaahinta Caalamka lagu sheegay in Masar oo kaashaneysa Imaaraadka iyo Eritrea ay dooneyso in ay dagaal ku qaaddo Suudaan iyo Itoobiya,taas waxaa ay de dejisay in Suudaan ay Ciidamo geyso sohdinta ay la wadaagto Masar sidoo kalena isbaheysi la sameysato Itoobiya.

Laba oga halka uu ku dambeyn doono damaca Itoobiya iyo Masar ee saamiga Wabiga Nile oo intiisa badan ay hadda hesho Masar maaddaama ay ku tiirsanyihiin 104 Milyan oo Masaari ah.

Itoobiya waxaa ay dooneysaa in kharashka kaga baxa shidaalka laga dhaliyo Korontada ay joojiso iyada oo ka faa’ideysaneysa biyaha laga dhalin karo Korontada,waxaana ay dhawaan diidday in Bangiga adduunku dhex dhexaadiyo iyada iyo Masar.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment