1206 Views

Talibaan oo gantaal ku dhifatay garoonka diyaaradaha magaalada Qandahaar

Talibaan oo  gantaal ku dhifatay  garoonka diyaaradaha magaalada Qandahaar
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Dhawr gantaal ayaa kiu dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Qandahaar oo ah garoonka labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan.


Wararku waxay sheegayaan in illaa madfac ay garoonka ku dhaceen taasoo keentay inay hakato shaqadii garoonka waxaana weerarkaas ka dambeeyay ururka Talibaan.


Mareeyaha garoonka diyaaradaha Qandahaar Mascuud Pashtuun ayaa sheegay in gantaalaha qaar ay ka dhaceen qeybta diyaaraduhu ku ordain marka ay dagayaan ama ay kacayaan waxaana uu intaa ku daray inay hadda dayactir ku wadaan.


Lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka madaadfiicda loo adeegsaday ee manta lagu qaaday garoonka 2,aad ee ugu weyn wadanka Afghanistan.


Dhanka kale wararka Afghanistan ka imaanaya ayaa sheegaya in maleeshiyada Taliban ay weerar ku qaadeen Sadex magaalo oo ku yaala koofurta Afghanistan.


Magaalooyinka ay weerareen waxaa ka mid ah Heraat Lashkar Qaah iyo Qandahaar halkaasoo lasoo werinayo in dagaal willi ka socdo.


Tan iyo markii Maraykanku ku dhawaaqay inuu ciidamiisa kala baxayo Afghanistan waxaa xoogaystay dagaalka ay qaadayaan Talibaaniyiintu.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post