666 Views

Qaramada Midoobay oo ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii Saynisyahankii ugu sareeyay Iran

Qaramada Midoobay oo  ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii Saynisyahankii ugu sareeyay Iran
____________________________________________________________________________

 Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii loo gaystay Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay is xakameyn iyo xaaladda la dejiyo wuxuuna cambaareeyay dil kasta oo sharci daro ah.

Hoggaanka Iiraan ayaa eedda dusha uga tuuray Israa’iil waxayna ballan qaadeen inay u aar gudi doonaan Mohsen Fakhrizadeh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in meydkiisa la geeyay masaajidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad ka hor aaska maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, wuxuu umuuqday inuu muujinayo in aargoosiga uusan dhaqso u dhici doonin. Maamulka Israil ayaa ka aamusay dilka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post