1248 Views

Kummanaan kun oo isugu soo baxay Koonfur Afrika iyagoo aaminsan inay aaggaasi ku jiro dheeman.

Kummanaan kun oo  isugu soo baxay Koonfur Afrika  iyagoo aaminsan inay aaggaasi ku jiro   dheeman.
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Kummanaan kun oo hanti doon ah ayaa isugu soo baxay tuulada KwaHlathi ee Koonfur Afrika, iyagoo aaminsan inay aaggaasi ku jiri karo dheeman.

Dhacdaan ayaa waxay imaaneysaa kadib markii nin uu meel bannaan god ka dhex qoday kuna qoray calaamad muujinaysa inuu ka helay dhagxaan dheeman ah inkasta oo aan dhagxaanta wali baritaan ay ku sameeynin khubarada cilmiga dhulka, waxayna masuuliyiintu ka codsadeen dadka goobta jooga inay ka baxaan si baaritaan sax ah loogu sameeyo.

Dowladda gobolka ayaa sidoo kale barta Twitter-ka, ku daabacday muuqaal laga soo duubay aagga iyadoo walaac ka muujineysa waxa ay ugu yeertay “kala hororka dheemanka”. Waxay ku qoreen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka inay “la socdaan, warbixinnada ku saabsan howlaha macdanta sharci-darrada ah ee ka socda KwaHlathi ee ka baxsan Ladysmith.”

Waxaa la soo duubay muuqaal muujinaya dadka oo dabbaal-degaya oo ku faraxsan faa’iidada laga dhaxli karo dheemanka la sheegay inuu ku jira tuuladooda.

Waxaan doonayaa inaan ku isticmaalo baararka, waxaan doonayaa inaan ku iibsado gawaari.” Tani waxay ka dhigan tahay in nolosheena ay isbadal ku sameyn doonto.”

Waa arrin ka bilaabatay hal nin oo helay dhagax u eg dheeman oo aan weli la xaqiijin hase yeeshee waxay haatan isu baddashay in ay soo baxaan kummaannaan qof oo hanti doon ah.

Dad badan oo ku sugan goobta ayaa haatan aaminsan inay heleen dheeman hase yeeshe weriha BBC-da ee halkaasi ku sugan oo la yirahdo Nomsa Maseko ayaa sheegtay inaan weli la garanayn in dhagxaantani ay yihiin dheeman iyo inkale balse waxay sheegtay in dowladda ay soo dirayso koox ku takhasutay cilmiga dhulka iyo macdanta si ay u xaqiijiyaan in waxani ay dadka ku soo xoomeen inay yihiin dheemankii saxda ahaa.

Waxay sheegtay in dhaamman dadka tuulada ay aaminsan yihiin waxani uu yahay dheemankii saxda ahaa ay ku raja weyn yihiin inuu noloshooda wax badan ka baddeli doona.

Shaqa la’aanta ka jirta deegaanka ayaa aad u sarreysa oo haweeneey da’ yar oo ka mid ah dadka usoo baxay inay helaan dheemanka ayaa sheegeysaa in haddii uu dheemankii saxda ahaa noqda ay gebi ahaanba is baddeli doonto nolsheeda iyo tan qoyskeedaba.

Qofkasta waxa uu u baahan yahay inuu gaaro xasilooni dhaqaale ama lacageedba, waxa uu baahan yahay in nolosha uu heer sare ka gaaro,” ayay tiri.

Mid kale oo ka mid ah dadka tuulada ayaa sheegay in haddii uu dheeman helo “uu qoyskiisa geeynayo dalxiisa, waxaana dhisi doonaa magacayga.”

“Weligay ma arkin mana taaban dheeman, waa marki iigu horreysay ee halkan ku taabanayo, waxaana rajeynayaa in tani ay wax ka baddeli doonto qoyskayaga sababtoo ah waxaan la daalaa dhacayna nolosha.”

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale dadka ku sugan goobta ka codsaday inay isaga baxaan iyagoo ka baqaya in dadka goobta ku sugan ay faafiyaan fayraska corona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post