1968 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Saacado Kahor gaaray Jowhar

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Saacado Kahor  gaaray Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray  magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, dhismaha wadada isku jirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka qeyb qaadanaya amniga Ra’iisul Wasaaraha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen magaalada Jowhar.

w1 w2 w3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment