987 Views

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Ciidamo amarna siiyey

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Ciidamo amarna siiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) iyo Xubno la socda ayaa maanta booqdey xarumaha Ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn booqdey xarunta ciidamada Xooga Dalka qeybta 21-aad,isaga oo warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada Intaa kadib, Madaxweynaha waxa uu ciidamada kula dardaarmey ineey dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan dowlad-Goboleedka Galmudug.

 

Intaa kadib Madaxweynaha wuxuu booqasho ku tegey taliska ciidamada Haramcad ee Booliska,waxaana ciidamada Haramcad ku amaaney doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen sugida amniga xiligii doorashooyinka Galmudug, waxa uuna kula dardaarmey ineey dardargeliyaan howlaha ay u hayaan bulshada dowlada goboleedka Galmudug.

 

Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye (Qoor Qoor) ayaa maalmahaan waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Galmudug,hayeeshee uusan weli la kulmin Madaxda kale ee kasoo horjeeda oo qaarkood ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment