705 Views

Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay in dhiirigalin loo sameyn doono Ciidanka dagaalka kula jira Tigreeda

Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay in dhiirigalin loo sameyn doono Ciidanka dagaalka kula jira Tigreeda
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November14, 2020 –Ra’iisul Wasaaraha Itooboya Abiye Axmed ayaa sheegay in Taaladada soo socota la samayn doono dhaqdhaqaaq lagu dhiirigelinayo ciidanka Itoobiya

Waxaa la sheegay waqti labba daqiiqo ah loo hibayn doono ciidanka qaranka dalka oo dhan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in howlgalka ka dhanka Maamulka Tegreeda guulo muhiim ah laga gaaray.

Waxa uu xusay guud ahaan maamulka Tegreeda laga cirib tiri doono,islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan Hay,addaha Ammaanka sidii shacabkaas loo badbaadin lahaa.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray.

Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho


FMuqdisho | QOL | November14, 2020 –_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post