729 Views

RW Rooble oo baaq deg deg ah u diray Caalamka

RW Rooble oo baaq deg deg ah u diray Caalamka
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khdubad ka jeediyay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa soo dhaweeyay dhamaan Madaxdabka qeyb galeysa caleema-saarka.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in doorashada Soomaaliya ay soo martay marxalad oo ku dhawaatay in gacanta la iskula tago, hayeeshee dadaalo farabadan oo ay sameeyeen ku guuleysteen in laga gudbo lana qabto doorasho.

Khudbadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale ku sheegay in dalka Soomaaliya xilligaan uu wajahayo dhibaatooyin ka dhashay abaaeta, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya Abaarta.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegkaya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay kajirto abaar xoogan taas oo saameeysay dad iyo Duunyo intaba.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post