681 Views

Ciidamada Ruwanda oo wacad ku martay iney la dagaallameyso mintidiinta Mozambique

Ciidamada Ruwanda oo wacad ku martay iney la dagaallameyso mintidiinta Mozambique
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Ciidamada Ruwanda ayaa sheegay iney sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan mintidiinta ka dagaallama Mozambique, kaddib marki ay labada dal galeen heshiis ku aaddan iney sii kordhiyaan dagaalka ay kooxdaasi kula jiraan.

Dowladda Ruwanda waxay bishii July ee kal hore ay Moambique u dirtay 1,000 askari, xilligaasi oo ay kooxahaasi ay weerarro isdaba joog ah ka geysanayeen magaalooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Cabo Delgado.

Howlaglaka wadajirka ee ay ciidamada labada dal gobolkaasi ka sameeyeen oo xoogaha horumar ah laga gaaray haddana waxaa weli halkoodi ka sii socda weerarrada iyo afduubka halkaasi ka dhaca ayuu yiri, wariyaha halkaasi noogu soo warrama.

Saraakiisha dowladda Mozambique waxay sheegeen toddobaadkan oo keli ah gobolka Nangade in laga soo badbadiyey 30 qof oo afduub lagu haystay, howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen waddamada Koonfurta Afrika ku yaalla.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post