2520 Views

Dhagayso:-Maamulka Marka Oo Ka Hadalay Al Shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Qayba Kamidah Marka

Dhagayso:-Maamulka Marka Oo Ka Hadalay Al Shabaab Oo Dab  Qabadsiiyey Qayba Kamidah Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 08,  2017Ururka Al-shabaab ayaa dab qabadsiiyay Tuulada Busley Daa’uud oo ka tirsan Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Gobolkaasi.

Shabaabka Tuulada dabka qabadsiiyay ayaa la sheegay in ay yimaadeen saakay aroortii, kadibna ay gubeen.

Qaranimo warkan waxaa u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cusmaan Yariisow, wuxuuna sheegay Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya in ay ku baxeen falkaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Marko ayaa inoo sheegay sababta Shabaab ay u gubeen Tuuladaasi in ay tahay, sidii ay shacabka u barakicin lahaayeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay horey u gubeen 24 Tuulo oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.

Maxamed Cusmaan Yariisow Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay mar walba Shabaab in ay bartilmaameedsadaan meelaha ay shacabka ku badan yihiin.

Mara badan ayaa al shabaab waxa ay dab qabada siiyeen tuulooyin hoos yimaada gobalka shabeelda hoose

 

halka hoose ka dhagayso 

war bashiir dab shbeelada hoose

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment