8808 Views

Maamul gobollada dhexe, ma dhalan doonaa mise waa dhicisoobi doonaa?

Maamul gobollada dhexe, ma dhalan doonaa mise waa dhicisoobi doonaa?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | April 2, 2015 – Nidaamkan Federalka oo ah nidaam ay ku heshiiyeen dad aan si fiican uga baaraan degin cilladaha ka iman doona ayaa la saxiixay xilli aan ku haboonayn oo dowlad ku meelgaar ah jirtay wadankuna colaad ku jiray, iyadoo si laab lakac ah la isugu sheekeeyay loona arkay inuu xal noqon karo, habdaba waxaa maanta soo muuqanaysa in la yimid halkii lagu tijaabin lahaa inuu dhaqaaqi karo.

Wallee Cadkaanoow ku cunay ama ku ciidee !

Warshadda sameeysa maraakiibta lagama dhiso magaalo dhexdeed iyo meel banaan ah, waxaa lagu dhisaa warshaddaas laguna rakibaa markabka meel badda kaabiga ku heeysa ama dhexdeeda ah, si markii shaxnadaa weeyn uu dhismeheedu dhamaado si fudud loogu riixo ama loogu dejiyo badda oo ah halka lagu tijaabin doono kedibna uu ku dhex maaxi doono, laakiin hadii lagu dhiso meel badda ka fog markuu dhismaha markabku dhamaado suurtagal ma aha in dhul iyo jidad aan loogu talo gelin sheey baaxadaas leh la soo dhexmarsiiyo.

xasan-caabo-beele-620x413

Waxaan ula jeedaa Federalka Soomaaliya waxaa lagu hindisay dalka dibediisa waxaana dhisay dad Soomaali ah laakiin fikirku ahaa mid lagu shubay, ulajeedo kasta halaga lahaadee, farshaxanka sawirayna uu si qurux badan ugu sameeyay naqshad khiyaali ahaan u tusisay ragaas sawir qurux badan, laguna dhisay fikir yaala meel aad uga fog halkii uu tijaabada ku geli lahaa, hase yeeshee maanta waxaa la isku dayayaa fikirkaa federalka ah oo aad u baaxadda weeyn oo dhisan in la soo dhex mariyo jidad aad u ciriiri badan oo aysan fikradaasi mari Karin.

Burburkii kedib waxaa gooni isu taagay Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya lana baxay Somaliland iskuna tilmaamay ineey ka go’een wadanka, kedibna gobolladii waqooyiga Soomaaliya qabaa’ilka ugu waaweeynina ay dhisteen maamul ay iyagu hor boodayaan, gobollo kale oo ay degan yihiin qabaa’il aan ku hayb aheyna rag ka mid ah ku darsadeen maamulkooda iyagoo ku sheegay inay maamul wadaag yihiin dadkoodana ugu sheekeeya “Waxaad ogtihiin ma idiin sheegnaa”.

Kedib waxaa xigay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu dhidibada u taagay alaah u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, maamulkaa oo ahaa kii u sahlay inuu xilka qaranka Soomaaliya ku guuleeysto, hase yeeshee mar hadii uu Maamulka Puntland noqday mid hana qaaday, waxay reer Puntland si aan kala har lahayn isugu raaceen in dhaqankooda oo kale wadanka laga hirgeliyo.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Wadaantii Geeleeda Kaafisa ayaa Mid Kalena Kaalmeeysa”, si kastaba haku dhisnaado iyadoo Soomaali ay dhaqan ahaan isu taqaano in maamul 100% heshiis lagu yahay aanu ka dhalan Karin, laakiin waxaa halkaa ka sii socday isku dayada maamul u sameeynta Gobollada haray, waxaa olole weeyn ka bilaawday Gobolladda Jubooyinka iyadoo doodo badan iyo kulamo madaxda sare ee dalka iyo mas’uuliyiin gobolladaas siyaabo kala duwan uga kala arimin jiray, kedibna waxaa si ku meelgaar ah loo dhisay maamul la magac baxay Jubbaland oo ka kooban Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, hase yeeshee dhaqan bulshadeedka Soomaaliyeed ee dhulkaa ka jira oo aanay maamulkaa ku qanacsaneeyn iyo colaado weli dhulalkaas ka aloosan awgeed waxa uu maamulkaas oo ka kooban 14 degmo ka arimiyaa keliya magaalada Kismaayo, taasoo la mid ah diyaarad lagu sameeyay meel aan garoon diyaaradeed ku oolin diyaarna ah, laakiin aanu u dhaweyn garoon ay ka duusho.

Iyadoo arintu halkaa taagan tahay ayaa si xirfadeeysan oo laga abaabulay madaxtooyada Soomaaliya lagu dhisay maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo heshiis lala galay qoladii 6da gobol sheeganeeysay arintana lagu fuliyay siyaasadda caanka ah ee laaluushka iyo kala iibsashada oday dhaqameedyada dadka soomaliyeed la degay.

gobolada-dhexe-620x349Nidaamkaas oo aan weli sal adag ku taagneeyn waxa uu maanta ku jiraa xilligii gurguurashada, iyadoo uu ka taliyo maamulkaas oo ka kooban 13 degmo magaalada Baydhabo oo keliya oo iyadana xaalkeedu uusan deganeyn meel kale oo uu u dhaqaaqi karo maamulkaasina uusan jirin, maadaama ay dhulalkaasi nabadoodu sugneyn iyo tasiilaadka isku xira degaamadaas oo aad u liita burubur badanina ka jiro iyo kala aamin bixidda dhex taala dadka degaamadaas wada degan, tanina waa Markab aad u weeyn oo meel banaan ah si aad u qurux badan loogu dhisay una baahan badweyn uu ku mushaaxo.

Gobolada dhexe ee Soomaaliya waa gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya, xilligii khariidadda Soomaaliya ay aheyd sideeda Gobol waxa gobollada dhexe ay ahaayeen Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Mudug, Gobolkii Mudug la oran jiray waxaa caasimad xilligaa u ahayd magaalada Gaalkacyo, iyadoo degmooyinkiisuna ay ahaayeen Jariiban, Hobyo, Xarardheere, Dhuusamareeb, Cabudwaaq, Ceelbuur iyo Ceeldheer.

Hase yeeshee xukuumadii Kacaanka ayaa Gobolkaas waxay u qeeybisay laba Gobol oo kala noqday Mudug iyo Galguduud, iyadoo Caasimmadii Gobolka Mudug loo daayay Gaalkacyo loona abuuray xilligi danbe degmo cusub oo la yiraahdo Goldogob, halka Gobolkii cusbaa ee Galguduud caasimad looga dhigay Magaalada Dhuusamareeb isagoo gobolkana loo abuuray laba xilli oo kala duwan labada degmo ee Cadaado iyo Galhareeri.

Sida loo dhisay naqshadda Federalka Soomaaliya oo ah 2ba Gobol iyo ka badan waxaa uu soo gaaray labadii Gobol ee Mudug iyo Galguduud, labadaas Gobol oo ay degaan in ka badan 12 beelood oo ka mid ah beelaha Soomaaliya, waxaa u sii dheer in labadaan Gobol ay yihiin gobollada ay ka soo jeedaan Soomaalida kuwooda ugu quursiga iyo ismaqalka liita, waxaa kaloo ka soo jeeda beelaha Soomaalida ugu colaada badan, waa degaanno ay dadka degani dhaqan u leeyihiin isugu faanid cudud iyo kala aargudasho soo taxneyd muddo aad u dheer iyagoo hadana ay yihiin dad ood wadaag ah oo dhalyo iyo dhaqan soo jireen ah uu ka dhexeeyo, gobolladan waxaa ka soo jeeda Soomaalida kuwa ugu hantida badan, hadaba aasaasayaashii mashruuca Federalka ma is weeydiiyeen qodobadan:-

Saxiixii Garowe 1 iyo 2, raggii fikradiisa lahaa oo badankoodu ka soo jeedaan dhulka maamulka Puntland, waxaa is weeydiin leh miyaysan ku talo gelin in fikirka 2ba Gobol iyo ka badan ay caqabad iyo ficiltan la imaan karto.

Farsamayaqaanadii fikirkaa ka shaqeeyayna ma is weeydiiyeen hab dhaqameedka dadka Soomaalida ah, sida ay isula degaan iyo sida loo wadaagi doono degaamada la isla dego.
Mise waxay ugu talagaleen in qas iyo buuq uu sii abuurmo, qola walibana isku daydo in fikirkoodu ka guuleeysato fikirka kale.

gobolada-dhexe-2-620x875Madaxweeynaha maanta ee maamulka puntland wuxuu ka soo jeedaa gobolka Mudug iyadoo Xildhibaanada Puntland ay ku jiraan 4 xildhibaan oo laga soo doorto gobolka Mudug, halka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee maamulka Puntland uu ka soo jeedo magaalada Gaalkacyo , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guudna uu ka yimid magaalada Goldogob iyadoo dhowr wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowlayaalna ay ka yimaadaan Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa kale oo magaalooyinkiisa ka mid ah Hobyo iyo Xarardheere oo labaduba aanay xubno wasiiro ama xildhibaano ku lahayn maamulka Puntland.

Abwaan Cabdulaahi Suldaan Timacade jannadii Fardoowsa allah ka waraabiyee wuxuu yiri:-

Garaad ma lihid soomaalidaay gebi ahaantaaye
Gadhku nimuu caddaadiyo barbaar waa gu’ baas jire e
Ma qabyaaladdii lagu gubtaa godadki loo doontay
Kanaa guna kanaa goba miyuu gobol ku sheekaystay
Garboduub haddaad uga xidhood gaadhna ka ahaato
Gacantii nin lihi goynayaa way gummudantaaye
Nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye

Intaan shirka dib uheshiisiinta degaamada Mudug iyo Galguduud bilaaban waxaa ficiltan ka biloowday in Mudug ay tahay hooyadii Galguduud dhashay iyo in Mudug u dhaxday laba reer oo ay caruurteedu kala aabe yihiin, taasoo noqotay imtixaan macalinkii soo diyaariyay uusan sixi Karin mar hadii macalinku isaga laftiisa jawaabta aqoonin.

Sida Soomaalida caadadeedu aheyd ayay sheekadii waxay noqotay, beel heblo waa looga badan yahay degaan heblo, iyo degaan heblo reer hebel aaya leh, waxa la isku heeytsayna ay tahay Magaalada Gaalkacyo.

Arimaha murgan ee Mudug iyo Galguduud !

Gaalkacyo ama sida gumeystihii talyaanigu ugu yeeri jireen Rocca Littorio, waa caasimadda gobolka Mudug, waxayna ku taalaa bartamaha Soomaaliya, waxay u jirtaa caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso midiiba fogaan dhan 750 Km. Gaalkacyo waxay u qeeybsaneyd weligeed laba qeeybood, iyadoo dhinaca waqooyi ay degaan dad ku hayb ah beelaha dega Bari iyo Nugaal waxayna hoos tagaan maamulka Puntland, halka Koonfurta ay degaan u tahay maamulka Galmudug, iyadoo gobolka Mudug oo qiyaastii baaxadiisu tahay 72.933km2 ay Galmudug ama degaamada aan hoos imaan Puntland sida Hobyo iyo Xarardheere ay ku fadhiyaan 47.000 km2, halka baaxad dhan 26.000km2 degaan lagu qiyaaso oo kala ah Goldogob iyo Jariiban ay hoos tagaan maamulka Puntland.

Maamulka Puntland oo ku fadhiya degaan lagu qiyaaso 212.500 km2 oo isugu jiro degaano si toos ah u hoos taga sida Gobolka Bari iyo Nugaal, degaanno buuq ka taagan yahay sida Gobolka Sool iyo Sanaag iyo kuwo qeyb ahaan hoos taga sida gobolka Mudug, waxaa la aasaasay sanadkii 1998, iyadoo uu xilligaa hogaanka u hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, maamulkaa oo ay u wada dhamaayeen dhamaan cuqaashii, aqooyanadii iyo bulshadii dhulalkaa ku abtirsaneeysay oo meel waliba ay joogaan guntiga u xirtay ineey dhistaan maamul iyo kala danbeeyn iyo ismmaqalka beelahaa iyo waqtigaa oo colaad xuni jirtay waxay dadkaasi dhex dhigtay isu tanaasulaad iyo ismaqal aad u guuleeystay dhidibadana u adkeeyay maamulka Puntland.

goboada-dhexe-1-620x413Waxaa magaalada Muqdisho ka dhashay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa ee ay madaxdii hogaamineeysay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Sheekh Shariif Sheekh, waxay magaalada Muqdisho ku soo celiyeen xasiloonidii iyagoo dagaal ku qaaday dhamaan qabqablayaashii dagaalka ee Magaalada Muqdisho isku haystay,muddo yar gudeheedna ay ka adkaadeen kana baxeen magaalada Muqdisho iyo xaruumihii ay ka talin jireen iyadoo dowladii kumeelgaarka aheydna ay markaa xarun u aheyd magaalada Baydhaba.

Shirkii lagu qabtay dalka keenya laguna doortay dowladii uu hogaaminayay Marxuum Cabdulaahi Yuusuf, waxaa ka dhashay biloow doowladnimo, taasoo faa’iido iyo khasaaraba laga dhaxlay iyadoo ciidamo shishheye oo aad u fara badan wadanka ay soo galeen qaasatan magaalada Muqdisho, xaruumo badan oo dowladeed oo gacanta ugu jiray dagaal oogayaashii iyo beelihii magaalada Muqdisho maamulkeeda ku dagaalsanaana ay qasab ku noqotay inay gacantooda ka baxdo sida xaruuntii madaxtooyada, Garoonkii Diyaaradaha ee Muqdisho xilligaa la oran jiray iyo Dekadii Muqdisho, doowladii ku meel gaarka aheydna awoodeeda badi ku soo wareegeen.

Sideed sanno kedib august 14, 2006 ayaa Maamulka galmudud dhidibada loo taagay mar hadii raggii Xamar ka shaqeeysan jiray ay u baahdeen inay shaqo abuurtaan, hasayeeshee dhismaha maamulkaa wuu ka duwanaa habkii lagu dhisay Puntland ee ahaa inay degaanadooda maamul ka dhistaan iyagoo dadka dhistay puntland ay ahaayeen bulsho lagu colaadiyay kana niyad jabtay magaalada Muqdisho kedibna gartay in degaamada ay ka soo jeedaan maamul iyo nolol cusub ka abuurtaan.

Laakiin bulshaweynta Galmudug ma aheyn bulsho dhib ka soo gaaray ama lagu colaadiyay magaalo ay deganaayeen aawgeed u dhistay ama u biloowday maamul, si kastaba ha ahaadee waxaa ka dhismay koonfurta Gaalkacyo maamul ay ku magacaabeen Galmudug oo ah Maamulka Galguduud iyo Mudug oo aananba jirin magac ahaan mooyaane xaqiiqadi iyadoo aan ku sababeeynayo dhowr qodob:-

  • Maamulku Mudug oo dhan kama jiro xitaa magaalada Gaalkacyo oo dhan ma wada gaari karo oo waxaa ka dhisan maamul ka da’ weeyn oo ah Puntland, dhismayna intii raga garwadeenka ka ah Galmudug ay Xamar ku mashquulsanaayeen, hantidoodiina Xamar geliyay.
  • Tasiilaadka gobolka sida Airporka oo ah kii ay dowladii kacaanku dhistay kuna yaala dhinaca bari ee magaalada Gaalkacyo wuxuu gacanta ugu jiraaa maamulka Puntland qarash badana ku bixiyay garoonkaas maamulkiisana waqti dheer hayay.
  • Gobolka Galguduud oo uusan xitaa hal tuulo ka talin maamulkaa, taasoo maamulkaa ka dhigtay mid 12-ka beel ee Mudug iyo Galguduud degaa ay u arkaan inuu yahay maamul hal beel gaar u ah, taasoo keentay inuu u muuqdo mid aad daciif u ah, madaxdooduna ay magaalada Muqdisho hotelladeeda iska degan yihiin.

Dowladii ku meelgaarka ahayd ee xigtay ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif iyana waxay hore u sii waday horomarka iyo dowlad ku soo dabaalidda qarankii burburay iyadoo biloowday in ay hantida qaranka ku wacyi geliso in dadweeynuhu soo celiyaan, iyo biloow dhismooyin maamul goboleedyo, dib uheshiisiino iyo wacyi gelin dadweeynaha, iyadoo u sii gogol xaartay in wadanku ka boxo kumeel gaarka.

Dowladii ugu horeeysay ee federalka oo ah tan maanta jirta waxaa iyana sii xoogeeystay fikirka maamul goboleedyada iyadoo qeeybweyn ka qaadatay dhismihii maamulka jubbaland, iyo kan ugu danbeeyay ee Koonfur Galbeed.

Dhismaha maamul goboleedyadaasi waxa uu keenay in rag badan oo ka arimi jiray koonfurta Soomaaliya kana soo jeeday Galguduud ay degaamada maamuladaas ku hakan waayaan, iyagoo degaamada maamul goboleedka Jubbaland ay joogaan ciidamada Kenya, dhanka kalena kooxdan dhiigyacabka ah ay Jubbooyinka iyo shabeelada hoose saldhigyo u yihiin aadna ugu baahsan yihiin, raggaas Koonfurta ka arimin jirayna aysan u babac dhigi Karin kooxdaan ma naxayaasha ah.

Dhanka kale magaalada Muqdisho ragga maamulkeeda qabtay ay iyaguna geesteeda kale dib ugu soo celinayeen hantidii lakala heeystay badankeeda, taasina waxay keentay in reer Galguduud ay u soo baxday inaanay ku hakan Karin meel aan ahayn dhulkii ay ka soo jeedeen mar hadii xoog ku faankii uu dhamaaday hubkiina gacantooda ka baxay ciidamo shiyeeye iyo Al-shabaabna ay wadanka si xad dhaaf ah u joogaan.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Hadii cadawgaadu bato caqligaada ayaa la kulmiyaa” waxaa cadaatay in tareenkan luudaya ee ferederalka ee labada dhinacba ku leh shukaanta iyo badeelayaasha sheelaraha ay dhinaca haatan laga wado maahane dhanka kale kaga fadhiistaan marshadana gashtaan si uusan dhinacna ugu dhaqaaqin.

Waxay xoojiyeen howlwadeenadii koonfurta Soomaaliya ka soo guryo noqday ururkii Ahlu sunna wal Jamaaca. Ahlu Sunna waa urur aan dowlad goboleed aheyn laakiin ah urur diimeed ay kawada tirsan yihiin kooxo diimeedyadii ay alshabaab ka go’day, sida Al-Itixaad, Maxaakiimtii Islaamiga, Xisbul Islaam, Aala Sheekh iyo koox kasta oo ka baqday awoodii qatarta badneyd ee Al-Shabaab, waxayna xarun ka dhigteen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxayna noqdeen awood kale oo degaankaas ka jirta.

Waxaa isna la abuuray sanadkii 2008 maamulka Ximin Iyo Xeeb, waa maamul goboleed ka mid ah maamul goboleedyada soomaliya, waxaa uuna ku yaalaa bartamaha soomaaliya, gaar ahaan gobolada Galgaduud Iyo mudug.waa maamul aad u dagan oo nabad ka dhaliyay dhulka uu ka taliyo, waana maamul hoos laga soo dhisay oo dadkiisu ay dhisteen, horumar weyn ayuu ku tilaabsaday intii uu dhisnaa, waxaana caasimad u ah Magaalada labaad ee Soomaaliya ugu nabdoon waxayna ugu yeeraan dadka degaankaas Cadaado Cadan-yar oo ku fadhida baaxad dhan 18km2 , magaalada Cadaado waxaa ka furan jaamacado, iskuulo iyo isbitaalo waaweyn oo casri ah. Sidoo kale waxaa ka furan NGO-yo, xaruumo Radiyo iyo Telefishano, Cadaado waxaa ku yaala dhismayaal aad u qurxoon oo casri ah, dhisme Garoon diyaaradeed , suuqyo iyo bacadlayaal aad iyo aad u camiran.

Sadexdaa maamul oo kawada dhisan 8 degmo iyo bar ka tirsan Mudug iyo Galguduud ahna tan maanta loo fadhiyo in la isugu keeno hal maamul ayaa waxay noqotay mid aanay u kala harin madaxda qaranka iyo mas’uuliyiinta beelahaas ka soo jeeda, iyadoo sida balantu aheyd in shirka dib u heshiinta iyo maamul u sameeynta labaduba ka dhacaan Cadaado ayaa waxaa arintaa fashiliyay kedib markii beelaha dega gobolka badankoodu heshiis ku gaareen intaan la gaarin maamul u dhisida gobollada laga hormariyo dib u heshiisiin guud oo beelaha dega labada gobol dhamaantood dhexmarta.

Ubadkiini waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisi waad wada canteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyeey waa lagaa dayaye

Doc hadday u wada jeesatooy dhowrto daneheeda

Ooy duul walaala ah tahayoo duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jareeysaane

Dubbe madaxa ways kala dhacdaa daa’in abidkeede

Goorteey is wada dooxdo baa daad u soo geli (Abwaan Timacade).

Waxaa deetana biloowday tartan labada magaalo ee Dhuusomareeb oo caasimadda gobolka Galguduud ah iyo magaalada Cadaado oo in muddo ahba tabaabushe ugu jirtay in shirka maamul u dhisida gobollada dhexe uu ka dhaco iyadoo ay intaa u sii dheereeyd in Cadaado ay ka muuqaal fiicnayd Dhuusomareeb mar hadeey maamul beesha degani ay dhamaan heshiis ku yihiin ka jiray waqti dheer, halka Dhuusamareeb ay ka jireen laba maamul oo iska soo horjeeday. Mid waa maamul hab gobol u dhisan oo ay dowladda Soomaaliya soo magacaawday oo uu hor boodayay mid ka mid ah raggii caanka ka ahaa kana talin jiray gobollada koonfureed qaarkood, kana arimiya magaalada Dhuusamareeb keliya iyo maamulka Ahlu sunna oo hab ciidan u dhisan oo isna ka taliya magaalada Guriceel oo labaduba hal beel ka wada tirsan.

Degaamada kale ee goboladaas ee dhanka gobolka Mudug kuna magaacaaban Galmudug laakiin aan weligood maamulkaa aanu ka talin waxaa ka mid ah Xarardheere oo ah magaalada keliya ee ilaa maanta ay Al-Shabaab gacanta ku haayaan iyo Hobyo.

Magaalada Hobyo waa magaalo ku taala xeebta, waana degmada labaad ee gobolka Mudug ugu weyn, sidii uu u biloowday isku dayada lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe waxaa heshiis lagu gaaray in dekadda la furo, iyadoo hadii xilli hore la furi lahaa hantidii dadka ka soo jeeda dhulkaa ee lageliyay dagaal sokeeye ama Muqdisho lagu maalgelin lahaa ay maanta la tartami laheyd dekadaha kale ee waaweeyn ee wadanka, laakiin waxay maanta ku shaqeeysaa hab macmal ah markii ugu horeeysay muddo 24 sanno ah iyadoo ay u xirneyd cidii maamulkeeda qaban lahayd labada beelood ee dad isugu xiga ee degaankaas wada dega.

Magaalooyinka iyana dhanka Galguduud ee aanu maamulkaa Dhuusamareeb iyo Guriceel weligii gaarin kana talin waxaa ka mid ah degmada Ceelbuur, Cabuudwaaq, Galhareeri iyo Ceeldheer, iyadoo degaamadaas Cabudwaaq mooyaane ay sadexda kale kooxaha nabad diidku xoog badan ku leeyihiin ilaa iyo maanta dagaallda la isaga soo horjeedaana aysan weli dhamaan.

Waxaa la yiri “Nin tuur leh ayaa wuxuu u yimid nin ay lugta uga taalo boog aad faaftay oo ay Soomaalida qaar u yaqaanaan Joqofeey, markaasuu ninkii tuurta lahaa isagoo la yaaban halka ninkan laga gaaray yiri:

Rabtaan kaa ruugan oon reeyseheeyn, wixi kaa ruugay aan rabaa ? , oo uu ula jeeday masiibadaan sidaan lugtaada u gooysay xagee lagaa raacay.

Ninkii nabarku ku yaalay yaa ugu jawaabay:-

Adba rorog rageed ma lihide, wixi isku kaa riixay aan rabaa ?, oo adiguba weli sidi nin xoog iyo muuqaal rageed oo dhameeystiran leh uma ekide xagee lagaa gaaray.

Hadaba Guud ahaan markaan fiirino beelaha maamulada u dhisan yihiin waxay ku doodaan inay ka nidaam iyo talo fiican yihiin kuwa kale maamulna u dhisan yahay, halka qolada kalena ay yiraahdaan anaguba degaanadeena maamulo waa ka dhisan yihiin oo maamulada aad sheegataan waa magaalo ama dhowr ee maamulkiinu dhulka aad sheegataan mawada gaari karo.

Iyadoo xaqiiqada maanta jirtaa ay tahay in aanu jirin xitaa hadii lagu daro maamulka Somaliland cid sheegan karta in khariidada ay sheegteen ay kawada taliyaan, laakiin ay jirto in maamuladu kala yara balaaran yihiin, maamul kastana uu ku kooban yahay oo keliya dhulka ay beeshiisu degto talaaba kalena uusan qaadi Karin.

Xaalku wuxuu marayaa maanta in labada maagaalo ee Cadaado iyo Dhuusamareeb iyadoo la siyaasadeeynayo lala kala safto, iyadoo iska soo horjeedyadaasi lagu kala macneeyn karo:-

  • Galguduud iyo Mudug oo ay degaan 12 beel oo ay kuwada dhan yihiin beelaha siyaasadda Soomaaliya isku haya oo ay adagtahay in ay hab qabiil maamul ku dhisataan.
  • Qolo ka soo horjeeda maamul ay horboodayaan qabqablayaal dagaal, oo ay ka urinayaan hadii shirka Cadaado lagu qabto suurtagal noqon karto.
  • Ficiltan juffo gaar ah qaasatan beesha dhexe ee gobollada Mudug iyo Galguduud dhex yaala, oo ah walee cadkaanoow ku cunay ama ku ciidee.
  • Qolo isla rabta magaala madaxda iyo Madaxtinimada maamulka labadaba oo inay wax hambeeyaan dagaal ka xiga.
  • Qolo mucaaradnimada dowladda federalka ay u qabaan ku diidaya , rabana in ay jebiyaan go’aamada villa Sooomaaliya.
  • Qolo aan rabin in maamul la dhiso, sii loo fashiliyo federalka oo ay u arkaan in aanay ka fushan Karin danahooda gaarka ah.
  • Qolo aan rabin in reer heblo ama rag qabqablayaal dagaal soo ahaa denbiyo lagalay lagu tuhmayo ay degaanadooda maamulkiisa u dhiibtaan.
  • Waxaan iyana ka maqneeyn faragelin dowladda federalka iyo dowlado shisheeye oo iyana shaki looga qabo inay qorshe u diyaarsan jiro, lagana war qabto taasoo dabka ku sii shideeysa isafgaranwaaga.

Waxaa Soomaalida sheekooyinkeeda ka mid ahaa in nin Garaad wiilwaal la oran jiray uu rag caqligooda isagoo baaraya ku yiri waxaan rabaa in la ii keeno cadka raga walaaleeya, kaasoo ugu danbeeyntii noqday Hunguriga, waayo qatane quutuu rabaa inuu ka qaato ama la qeybsado, faaqiirna taajirka ayuu ka daadso is leeyahay, ma haystana haystaha ayuu hunguriyeeyaa kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay dagaal iyo difaac tagtaa, waana tan maanta ay Soomaali u duleeysan tahay wax la isku raacsan yahayna aysan jirin, taasoo ay ugu wacan tahay in Soomaalida taariikhdii xumeyd ee soo dhexmartay 25 kii sanno ee la soo dhaafay ay meesha taalo ninki aad ma hurto ku dhigtay inuusan ka quusaneeyn waqti ay ku qaadataba inuu ma hadho kugu dhigo.

.

.

By Mustafa Salad Awale | Qaranimo Online | Toronto

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment