642 Views

Dhimasho & dhaawac ka dhashay roob ka da’ay Hargeysa

Dhimasho & dhaawac ka dhashay roob ka da’ay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland, waxaana khasaaraha ka dhashay roobka faah faahin ka bixisay Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa sheegay in Roobkii ka da’ay Gobolka Maroodi-jeex uu sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed, isla markaana Aaga Dooxa Jaleelo uu hal qof ku dhintay, sidoo kalena Guryo farabadan uu roobka burburiyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen Roobka, sidoo kalena  Gaadiid farabadan ay qaadeen Biyaha roobka, kuwaas oo qaarkood uu sheegay in laga soo badbaadiyay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland Jaamac Xaaji Axmed  Cabdi ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka fogaadaan Goobaha biyo mareenadaha si aysan waxyeelo u soo gaarin markio uu da’o roobka.

Magaalada Hargeysa ayaa inta badan roobka ka da’a waxaa ka dhasha waxyeelo xoogaan maadaama magaaladanay tahay mid ay ku hareereysan yihiin Buuro dhaadheer, isla markaana Biyaha ay kusoo rogmadaan.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post