738 Views

Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle oo ka hadashay Weerarkii Madaafiicda Xalay ee Jowhar.

Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle oo ka hadashay Weerarkii Madaafiicda Xalay ee Jowhar.
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Magaalada Jowhar Waxay Xalay Al-shabaab ku garaaceen madaafiic la sheegay in aysan gaysan wax qasaare ah, waxaana arintaas ka hadlay maamulka Hirshabelle.

 Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weerar hoobiyeyaal ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaas halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada doorashada.

Hoobiyeyaasha ayaa qaarkood waxay ku kala dhaceen agagaarka dhismaha madaxtooyada HirShabelle, xaruntii hay’adda UNICEF iyo dugsiga Sheekh Xanafi iyo qeybo ka mid ah xaafadaha Horseed & Hanti-Wadaag oo ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga HirShabelle ayaa lagu sheegay in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana ay ku baxeen ciidanka amniga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ujeedka weerarkan uu ahaa in lagu carqaladeeyo amniga Jowhar oo maalmaha soo socdo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Aqalka Sare. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post