909 Views

Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Gen. Cabdisamad oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland  Gen. Cabdisamad   oo ku geeriyooday Muqdisho.
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Marxuum Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Hargeysa, ayaa markii dambe loo qaaday dhinaca Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Sidoo kale Marxuumka ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post