972 Views

Rooble oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza

Rooble  oo  qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza
____________________________________________________________________________

June 15 2021

 Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Qatar ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya iyadoo mashaariic kala duwan ay Soomaaliya ka fuliso.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa tan iyo markii heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayey madaxda caalamka u jooga Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka isaga oo sheegay kal hore in xukuumadiisu xooga saari doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post