990 Views

Cabdulraxmaan Cirro oo ku eedeeyey xukuumadda Muuse Biixi ee Somaliland muddo kororsi

Cabdulraxmaan Cirro oo ku eedeeyey xukuumadda  Muuse Biixi ee Somaliland muddo kororsi
____________________________________________________________________________


January 10, 2022

Murashaxa madaxtinimada ee Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqdey ee Somaliland ee Xisbiga Waddani, ayaa cambaareeyay isku day uu sheegay in xukuumaddu ay doonaysey iney kaga hor istaago kulammo xisbigu uu ku qaban lahaa magaalada Burco.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in kulamada ay taageerayaashooda la yeelanayaan aaney uga fasax qaadanayn taliyaha booliiska iyo barasaabka gobolka Togdheerba.

Waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu doonayo inuu kordhisto mudada xileedkiisa, taasoo uu sheegay in aanay marnaba ‘aqbali doonin.

Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxey Madaxweyne Muuse Biixi ma ay jirto, taasoo la xiriirta eedahan cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post