300 Views

Ruushka oo lagu eedeyay inuu ku xadgubay carruur ka qaxday Ukraine

Ruushka oo lagu eedeyay inuu ku xadgubay carruur ka qaxday Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: Jannaayo  27/2023

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay ku xad gudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyadoo baasaboorka Ruushka siisay carruurta aan lala socon ee ka qaxay Ukraine una ogolaatay inay qaataan qoysaska Ruushka.

Filippo Grandi ayaa hadlayay ka dib booqasho lix maalmood ah oo uu ku tagay Ukraine. Mr Grandi ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan baaxadda dhibaatada.

Laakiin waxa uu sheegay in UNHCR ay isku dayi doonto in ay si dheeraad ah u hesho carruurtan oo kale, oo ay ka shaqayn doonto xal u helida dantooda – sida isu keenidda qoyska iyo wixii la mid ah.

Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan afar iyo toban kun oo carruur ah loo tarxiilay Ruushka, iyadoo lagu eedeeyay in Ruushku afduubtay, hase-yeeshe Ruushka ayaa ku andacoonaya in ay badbaadinayaan carruurtaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post