1737 Views

Musharx Xassan Xaaji Oo Sheegay In Madxda Laga Doonayo In Xukuna Ay Ku Celiyaan Gacanta Shacabka

Musharx Xassan Xaaji Oo Sheegay In Madxda Laga Doonayo In Xukuna Ay Ku Celiyaan Gacanta Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Musharaxan Oo Kamid ah Murashaxiinta Isbadal Doonka Koon Fur Galbeed Kuwooda Ugu Miizaanka Weyn Loona Saadalinayo In Ay Doorashada Ku Soobaxaan Ayaa War qoraal ah Oo Uu Ku Bahiyey Barihiisa Bulashada Ayuu Ka Hadalay Arima Dhoowr ah

Musharx Xassan Ayaa Soo Hadl Qaaday Awoodah Maamul Gobaleedayada Iyo Tan Dowlada Dhexe Ee Dalka Isaga Oo Sheegay In Loogu Baahnaa In Ay Xukunka Gacanta Uguliyaan Shacabaka Soomaaliyeed Balsa Taasi aysan Usuura Galin

Musharx Xassan Xaaji ayaa Sheegay In Hadii Isga Uu Kuguu Laysto Xilkaasi Uu Maamulka Dib Ugu Celin Doono Shacabaka Ayna Dooran  Doonaan Ruux Ku Yimid Rabitaankooda

“Awoodda dowladda dhexe (MUQDISHO) waa laga soo qaaday oo waxaa lala fariistay caasimadaha maamul goboleedyada sida Baydhaba, Kismayo, Jowhar, Cadaado, iyo Garowe, madaxda maamul goboleedyada sidii xilligii dowladii kacaanka ayay magacaabaan Xilalka muhiimka u ah bulshada oo ahayd in doorasho ku yimaaddaan, lama Soo doorto gole deegaan, Duq magaalo, giddoomiye, degmo iyo mid gobolba.

Haddaba su’aasha baa ah goormaa ayaa xukunka shacabka la gaarsiin doonaa oo ay qofkay rabaan soo dooranayaan..

Hadaan helo xilka madaxnimo ee KG waxaan ugu adeegayaa bulshada una dhoweynayaa maamulka min degmo ilaa tuulo, tusaale fiican baan u noqonayaa madaxda soo socota sidaasna waa sida kaliya oo looga hor tagi karo kuwa xilka ay hayaan dantooda gaarka ah ku fushada.”

Murashaxiin Farabadan Ayaa Kuloolamaya Qabashada Xila Madxtinimo Ee Maamulkaasi

Waloow Musharx Xassan Xaaji Ibraahim Musharx Nimadiisa Ay Kadabeeyeen Shacabaka Kunool 3-Gobal Ee Maamulka Koonfur Galbeed Uu Ka Arimiyo Oo Kadalbaday In Uu Isu Sootaago Hogaaminta Shacabkiisa Isgana Uu Ka Aqabalay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment