708 Views

Safiirka Cusub ee Mareykanka ee Somalia oo Muqdisho soo gaaray

Safiirka Cusub ee Mareykanka ee Somalia oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta soo gaaray Danjiraha cusub ee Mareylanka u soo Magacaabay Soomaaliya Danjire Larry André, kaas oo Shaqada kala wareegaya Safiirkii Mareykanka ee Muqdisho Amb, Donald Yamamota.
Danjire André waa dublamaasi la sheegay in uu yahay rug cadaa khibrad dheer u leh qaaradda Afrika, isaga oo soo noqday safiirka hore ee Mareykanka ee Jabuuti iyo Mauritania.

” Aad ayaan jecelyahay in aan la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada iyo dawlada federaalka ah si loo horumariyo ujeeddada aynu wadaagno ee ah soo noolaynta Soomaaliya oo ah dal sugan, barwaaqo ah, oo dimoqraadi ah ayuu yiri” Danjiraha.
Imaatinka Muqdisho ee Safiirka Cusub ee Mareylanka uu u soo Magacaabay Soomaaliya ee Danjire Larry André ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay kujirto waqti doorasho, isla markaana Mareykanka uu hoggaamiyeyaasha uu ku cadaadinayo in doorashada ay waqtigeeda ku qabsoonto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post