1512 Views

Kulankii Golaha Shacabka Oo Maanta Kooram La’aan U baaqday

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 7, 2018, 2018 – Kulan lagu waday in ay maanta ku yeeshaan Magaalada Muqdisho xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday sidda warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa u baaqday sababo la xariira Koram La’aan. Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay kulanka uga hadlaan aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in kulankii Baarlamaanka uu Kooram La’aan u baaqdo.

Waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doona Xildhibaanadii maanta baaqday,islamarkaana kulanka soo socda Magacyadooda la yeerin doono.

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment