1452 Views

Madasha Xisbiyada oo sheegay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Farmaajo

Madasha Xisbiyada oo sheegay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 19, 2019 – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu bur-buray heshiiskii ay kula jireen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana aysan wada-hadallo kale la geli doonin madaxweynaha.

Heshiiskaan ayaa dhinacyadu ay garaeen 20-kii November kadib kulan Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo ka wakil ahaa Madasha.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha “inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada, islamarkaana uu heshiiskii hore jebiyey”

Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah “inuu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa.”

Qoraalka ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey “Inuu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya.”

Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay.

Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay, “in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka”. Madashu ma aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas.

Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn inuu xal la gaaro dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka.

Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in madaxweynaha dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.

Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha madaxweynaha loo jeediyey.

 

.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment