1122 Views

Safiirka Imaaradka ee Somalia & Wakiil QM oo Muqdisho ku kulmay

Safiirka Imaaradka ee Somalia & Wakiil QM oo Muqdisho ku kulmay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Xamaada oo maalmihii la soo dhaafy ku sugnaa Muqdisho iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, James Swan.

 

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu soo bandhigey kulankaas labada dhinac,hayeeshee aan lagu faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

 

 

Safiirka Imaaraadka Carabta oo todobaadyadii la soo dhaafy ku sugnaa Muqdisho waxaa uu dhawaan la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda uu la kulmo madax kale.

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xilligaan xiriirkooda waxaa uu yahay mid hoos u dhacay tan iyo markii uu xumaaday,kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Garoonka Muqdisho ku qabatay lacag dhan 10 Milyan oo Dollar oo laga lahaa Imaaraadka.

 

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadeen qodob ku saabsanaa in dalka laga saaro Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ka caawin jirtay dhinaca tababarada Ciidamada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment