1062 Views

Duqeyn ka dhacday Magaalada Kabul

Duqeyn ka dhacday Magaalada Kabul
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 17, 2021–Dhowr Hoobiye ayaa waxay  ku habsadeen Deegaanka Khayr Khaana ee Waqooyi Galbeed ee caasimada dalka Afganistan ee Magaalada Kabul.

Warar ayaa sheegayo inay qaar ka mid ah Hoobiyaasha ku dhaceen meel ku dhow Wershadaha Korontada siisa magaalladda Kabul.

Warbaahinta Tolo News ayaa sheegtay inaysan weli kala caddayn khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.

Shabakadda Wararka ee Aamaj News ayaa soo werisey inaysan cidna wax ku noqonin Duqeyntaasi, balse uu jiro Burbur soo gaaray Hanti ay dadka Deegaanka lahaayeen.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Duqeymahaasi oo ku soo beegantay, xilli uu Khilaaf xooggan ka dhex jiro Hoggaamiyayaasha Daalibaan oo ku kala qeybsamay Nidaamka Awood-qeybsiga ee Xilalka Dowladda Imaaradda Islaamiga ee Afganistan.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post