132 Views

Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka IGAD kasoo xambaarsan qodobo muhiim ah

Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka IGAD kasoo xambaarsan qodobo muhiim ah
____________________________________________________________________________

KAMPALA – Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  1. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
  2. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post