663 Views

Diyaaradaha Israa’iil oo duqeymo ka geystay Suuriya

Diyaaradaha Israa’iil oo duqeymo ka geystay Suuriya
____________________________________________________________________________


Talaado: December 28, 2021

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn xagga cirka ah ka geystay dekedda Latakiya ee Dalka Suuriya, taasoo sababtay waxyeello kala duwan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasi.

Duulaankaan dhanka cirka ah oo ah kii labaad oo dhaca bil gudaheeday ayaa yimid manta abaarihii 3:21am (05:21 GMT), ,iyadoo diyaaradaha Israa’iil ay dhowr gantaal ka soo tuureen jihada badda ee Mediterranean-ka.

Weerarka gantaaladaasi ayaa sidoo kale burburiyay dhismayaal la dego , dukaamo iyo wajiga hore ee isbitaal  sida ay sheegtay Wakaaladda Waraeka SANA.

Xafiiska warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in adeegyada degdegga ah ay xakameeyeen dab ka kacay aagga keydka konteenarada ee dekeddaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post