864 Views

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xilka wareejisay

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xilka wareejisay
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Magaalada NEW DELHI Caasimadda Dalka Hindiya, Xafiiska Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Hindiya waxaa si rasmi ah Xilalka ugu kala wareegay “Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku-xigeenka Safiirka safaaradda’’ Mudane Cabdifitaax Cabdullaahi Nuur iyo Danjire ‘’Marwo Faaduma Cabdullahi Maxamuud Insaaniyah oo muddo Safiir ka ahayd dalka Hidiya.

Munasabad kooban oo ka dhacday xafiiska Safaaradda waxaa goob joog ka ahaa dhammaan Diblomaasiyiinta ka hawl-gala Safaaradda JFS intoodi ku sugneed gudaha Dalka.

Dhanka kale Munaasabad sagootin ah ayaa waxaa loo sameeyay Danjirihii dowladda JFS ufadhiyay Dalka Hindiya Marwo Faaduma Cabdullahi Maxamuud Insaaniyah oo muddo Xileedkeedi shaqo u dhamaaday.

Waxay Diblomaasiyiinta ka shaqeeya Safaaradda Sooomaaliya ee dalka Hindiya ee magaalada NEW DELHI ku maamuseen Danjire Faaduma casho sharaf iyo abaalmarin mudadii quruxda badneed ee Qaranka Soomaaliyeed loogu adeegayay sida wada jirka ah.

Ku xigeenka Safiirka Safaaradda JFS ahna Siihayaha Safaaradda Mudane Cabdifitaax Cabdullaahi Nuur ayaa ugu horeyn ka hadlay wax-qabadkii iyo hawlihii adkaa ee Safaaradda muddadii ay hogaamineysay Danjire Marwo faduma insaaniya.

Sidaasi si’lamida waxa looga mahad celiyay daruufihii iyo xaaladahii adkaa ee shaqada oo ugu horeeyay muddadii uu Adduunka dhan qalqaliyay xanuunki COVID-19 iyo xayiraadihii ka dhashay ee saameeyay shaqada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Dalka Hindiya.

Inta ay socotay munaasabada Habmaamuska sagootinta ayaa waxa halkaasi lugu gudoonsiiyay shahaado sharaf Abaal marin ah oo ay ugarteen diblomaasiyiintii mudada dheer ay isla shaqeenayeen ‘’Marwo Danjire Faaduma.

Ugu dambeyn Safiir ‘’Marwo FADUMA Faaduma Cabdullahi Maxamuud ayaa uga mahadcelisay Siihayaha Safaaradda Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo Dhammaan Diblomaasiyiinta sida ay u maamuseen iyo muddadii ay uwada shaqeynayeen Qaranka Soomaaliyeed qaasatan ummadda Soomaaliyed ee Adeegyada kala duwan uga baahna Safaaradda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post