618 Views

Guddiga Doorashooyinka lagu muransanyahay oo War Cusub oo saaray

Guddiga Doorashooyinka lagu muransanyahay oo War Cusub oo saaray
____________________________________________________________________________

Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka dalka ayaa soo saaray Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Foomamka Musharaxiinta doonaya inay kamid noqdaan baarlamanka Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu faah fahiyay Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare, iyada oo loogu baaqay Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada inay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

Hoos Ka Akhriso Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Foomamka Musharaxiinta oo ay guddiga soo saareen.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

DHAMMAAD

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post