972 Views

Labada nin ee sida weyn ugu tartami doona doorashada madaxtinimada dalka Iran

Labada nin ee sida weyn ugu tartami doona doorashada madaxtinimada dalka Iran
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Labada nin ee sida weyn ugu baratami doona doorashada madaxtinimada dalka Iran ee bisha danbe, oo kala ah madaxa guddiga garsoorka Ebrahim Raisi iyo afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ali Larijani ayaa Sabtida maanta iska diiwaangeliyay guddiga doorashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Doorashada Iran ee 18-ka June ayay shacabka dalkaasi go’aan uga gaari doonaan qofka u beddeli doona madaxweyne Hassan Rouhani oo mar dhow dhameysan doona labada muddo xileed ee uu dastuurka Iran u ogolyahay in madaxweyne uu xilka hayo.

Ebrahim Raisi oo 60 jir ah, ayaa ah wadaad mintid ah oo ay ixtiraamaan dadka muxaafidka ee Muslimiinta Shiicada.

Bishii March ee sannadkii 2019-kii ayaa hogaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei uu u magacaabay guddoomiyaha guddiga garsoorka Iran.

Madaxa garsoorka ayuu Rouhani uga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee 2017.

Ka sokow xilka madaxtinimada uu hadda u ordayo, waxaa loo arkaa in uu yahay ninka baddali doona Ayatollah Ali Khamenei.

Ninka la tartamayo oo ah Ali Larijani, wakiilki hore ee Iran u qaabilsanaa wada-xaajoodka Niyukleerka, haddana ah lataliyaha Khamenei, ayaa raja ka qaba in uu helo codadka dadka fikirkoodu dhex-dhexaadka yahay iyo kuwa muxaafidka intaba.

Kooxaha isbadal-doonka iyo kuwa u ololeeya xuquuqda ayaa sheegaya inay ka argagexeen taariikhda Raisi oo ahaa garsoore mayal adag, gaar ahaan sannadihii 1980-meeyadii markii uu ka mid ahaa afar garsoore oo ciqaab dil ah ku xukumay kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah.

Diiwaangelinta musharrixiinta ayaa ku eg Sabtida maanta ah, iyadoo ay guddi sare oo 12 xubnood ah ay bilaabi doonaan hubinta aqoonta siyaasadeed iyo tan Islaamiga ee musharraxiinta loo oggolaaday tartanka.

Lix ka mid ah xubnaha guddigan ayaa waxaa magacaabay Khamenei.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post