489 Views

Qarax lala beegsaday safaaradda Ruushka ee Kabul oo ay ku dhinteen lix qof

Qarax lala beegsaday safaaradda Ruushka ee Kabul oo ay ku dhinteen lix qof
____________________________________________________________________________

Man United ay shaley 3-1 uga badisay kooxda Arsenal.

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Qarax ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dalka Ruushku ku leeyahay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, ayay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo ka mida shaqaalaha safaaradda.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka iyo goobjoogayaal kala duwan ayaa sheegtay in “qof ismiidaamiyey oo aan weli la aqoonsani inuu isqarxiyey” ka dib markii uu diblomaasi Ruush ahi u soo baxay barxadda hore ee safaaradda, si uu u akhriyo magacyada muwaadiniin u dhashay dalka Afghanistan oo saf ugu jiray inay qaataan dal ku galka Ruushka.

Illaa hadda xog badan lagama bixinin xaaladda diblomaasiga la bartilmaameedsaday.

Khalid Zadran oo ah afhayeenka booliska ee Kabul ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey inuu fuliyey weerarka lala beegsaday safaaradda Ruushka, hase ahaatee wuxuu sheegay afhayeenku in ciidamada ilaalada ee Taliban inay dileen qofka ku hubaysnaa walxaha qarxa, ka hor intii aanu gaadhin bartilmaameedka uu u socday.

“Qofka is qarxiyey wuxuu damcay inuu isku dhex qarxiyo dadka safka ku jiray, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay oo toogtay ka hor intii aanu gaadhin halkii uu u socday, taasoo keentay inuu markiiba is qarxiyo” sidaasi waxaa bartiisa twitterka ku soo qoray afhayeenka ciidanka booliska ee Kabul.

Afhayeenka Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey dhimashada afar qof oo rayid ah oo reer Afghanistan ah, isagoo intaas ku daray inay weerarkan ku dhaawacmeen illaa toban qof oo kale.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay weerarka safaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post