144 Views

Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka oo ku heshiiyey mashruuc cadceedda koronta looga dhalinayo.

Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka oo  ku heshiiyey mashruuc cadceedda koronta looga dhalinayo.
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18, 2023

Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa ku heshiiyey mashruuc cadceedda koronta looga dhalinayo.

Masruucan korontadaha qorraxda looga dhalinayo oo ay ku kaceyso miisaaniyad dhan 400 malyan oo doolar oo ay Imaaraadka maalgelineyso deegaannada Itoobiya oo laga hirgelinayo waxaa ka mid ah Soomaalida iyo Cafarta.

Waxaana deegaannadaasi laga dhalinayaa tamar gaareyso 400 oo mega wat.

Wasiirka maaliyadda Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi la hadlay wuxuu sheegay ‘mashruucan inuu qayb ka yahay heshiisyada iskaashi oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Isu tagga Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Mashruuca dhismahiisa waxaa hirgelineyso shirkadda weyn ee Tamarta oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ee ‘Masdar.’

Guud ahaan mashruuca Imaraadka ay ka fulineyso Itoobiya oo ay qorraxda koronta uga dhalineyso ayaa celcelis ahaan soo saaraya koronta dhan 4,000 oo mega wat.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post