822 Views

Shirka u socda Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta oo 2 qodob hordhac ah la isku af gartay.

Shirka u socda Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta oo 2 qodob hordhac ah la isku af gartay.
____________________________________________________________________________

.

February  25, /2/ 2021

warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirkii goor dhawayd  ka furmay Muqdisho, waxaana la sheegay in 2 qodob la isku af gartay, balse uu wali shirka socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka u si habsami leh ugu socdo Ra’iisul Wasaaraha, iyo Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle,. Waxaana la sheegay in heshiis hordhac laga gaaray qeybo ka mid ah ajandayaasha shirka.

Sidoo kale Xukuumadda waxay aqbashay in Guddi baaritaan u saarto wixii dhacay 19 Febraayo, ayna shaaciso inay ka xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post