840 Views

Kheyre oo ka qeyb-galaya Shir Maanta ka furmaya Faransiiska

Kheyre oo ka qeyb-galaya Shir Maanta ka furmaya Faransiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11 2019–Shalay Gelinkii dambe ayay Magaalada Muqdisho ka ambabaxeen wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre, iyaga oo ka qeyb-galaya shirka Madasha Nabada Paris ee dalka Faransiiska.

 

Shirka oo Maanta furmaya ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 13 Bishaan,waxaana looga hadlayaa Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale lagooga doodayaa xal u helidda dhibaatooyinka caalamka ka jira.

 

Shirka waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre intuu ku suganyahay Faransiiska kulamo doceedyo uu la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

 

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment