1464 Views

Sawiro:-Madaxweynaha KGS oo la kulmay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya

Sawiro:-Madaxweynaha KGS oo la kulmay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Soo dhaweyn kadib Wasiirka Waxbarashada ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah

U jeedka Wasiirka Waxbarashada Soomalaya uu u tegay Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeybgeli doono shir u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka

Shirkan ayaa diirada ku saari doonaa horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galinta shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment