726 Views

Ku dhawaad 100 qof oo lagu dilay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Alpha Conde

Ku dhawaad 100 qof oo lagu dilay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Alpha Conde
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 13 |  2020—In ka badan 90 qof ayaa lagu dilay rabshadaha ka dhanka ah mudaaharaadyada looga soo horjeedo madaxweynaha Guinea Alpha Conde si uu mar saddexaad isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha dalkaasi.

82-jirkan ayaa u tartamaya dib u doorashada 18-ka Oktoobar, ka dib markii uu badalay dastuur cusub bishii Maarso oo dadka naqdiya ay ku tilmaameen in loogu talagalay in lagu dhinac maro xadka dalkaasi ee ah in Madaxweynaha uu tartami karo labo xilli oo kaliyah.

Dibadbaxyada ayaa inta badan isu rogay gacan ka hadal, hase yeeshee, tobanaan ayaa la dilay. Afti dastuurka loo qaaday bishii Maarso ayaa sidoo kale rabshado hareeyay.

Isniintii, isbahaysiga ka soo horjeedka Conde ee FNDC wuxuu daabacay tiro ka kooban 92 mudaharaadayaal ah oo la diley tan iyo bilowgii dibadbaxyada.

Ilaa 45 ka mid ah dibadbaxayaashaas ayaa la toogtay sidda Mucaaradka ay sheegeen

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post