474 Views

Xasan Shiikh oo tagaya xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya

Xasan Shiikh oo tagaya xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: June 7, 2022

Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka Muqdisho qaarkood loo xiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo tagaya xarunta wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waddooyinka ay xireen ciidamada ammaanka ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-mukara, jid cadayaasha ay isticmaali jireen mooto bajaajka iyo kuww kale.

Waddooyinkaas xiran waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo iskugu jira Militariga koofi casta iyo Booliis kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka, iyagoo qaarkood xitaa dadka u diidaya inay waddooyinka xiran ay ku maraan lug.

Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa waxay ay marti gelineysaa wafuud kala duwan oo ka qeyb galaysa caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saacadaha soo aadan soo gaaraya  Muqdisho, taas oo loo qorsheeyay inay dhacdo 9-ka bishaan June.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post