978 Views

Xuutiyiinta Yemen oo weeraro loo adeegsaday Drone ku qaaday Xarumaha Shidaalka Sacuudiga

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Xuutiyiinta Yemen ayaa weeraro loo adeegsaday Drone ku qaaday Labo xarumood oo kuwa shidaalka oo ay maamusho Shirkadda Aramco oo ah Xarunta ugu weyn ee Saliidda dowladda Sacuudiga

Weerarkan ayaa sababay inuu dab qabsado labada xarumood ee shidaalka ah, waxaana aroornimadii hore ee saaka la arkayay qiic iyo uuro ka baxayay.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Sacuudiga in weerarada lala beegsaday labo xarumood oo ah kuwa saliida laga soo saaro oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais.

“Abaarihii 4.00am ee waqtiga Sacuudiga kooxaha nabadgelyada ee warshadaha ee Aramco waxay bilaabeen inay wax ka qabtaan dab ka kacay laba xarumood oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais taas oo ka dhalatay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” sidaa waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

Lama sheegin halka uu ka yimid weerarka, hase ahaatee Wasaaradda ayaa sheegay inay baaritaano socdaan, sidoo kale ma aysan caddeynin inay jiraan wax khasaaro ah iyo inay saameyn ku yeesheen howlaha labada xarumood oo kuwa shidaalka laga soo saaro.

Sacuudi Carabiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay weeraro kaga imaanayay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, iyagoo si gaar ah u beegsanayay xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga leeyahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment