993 Views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA oo Kenya u imanaya arrimo khuseeya Soomaaliya iyo Itoobbiya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA oo Kenya u imanaya arrimo khuseeya Soomaaliya iyo Itoobbiya
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

 Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa u safraya dalka Kenya, si uu ugala hadlo dagaalka ka socda Itoobiya, iyo sidoo kale xaaladda amni ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Itoobiya.

Dhanka kalena Mareykanku ay ka digeen in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka Tigray.

Mr Blinken ayaa safarkiisan afrika oo noqonaya kii ugu horeeyay ee rasmi ah ee ku yimaaddo qaarada, ayaa waxa uu ka soo bilaabmi doonaa Nigeria halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Muhammadu Buhari.

Inta uu ku sugan yahay magaalada caasimadda ah ee Abuja, waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo siyaasadda cusub ee Mareykanka ee ku aaddan Afrika.

Safarkan Mr Blinken waxa uu ku soo gebagebaynayaa Senegal halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Macky Sall, oo la filayo in uu la wareego guddoomiyaha Midowga Afrika.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post