1182 Views

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo la kulmay Madaxda Soomaaliya, Ghana & Botswana

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo la kulmay Madaxda Soomaaliya, Ghana & Botswana
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 11, 2019 –Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi.

Hogaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Albashiir.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb  galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment