1425 Views

Trump oo soo dhaweeyay guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashada

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 7, 2018, 2018 Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa oo ka soo hooyay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare.

Trump ayaa bartisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan, waxa uuna dadka dalkaasi uga mahadceliyay guushaasi.

Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahan yahay ee aqalka sare balse waxaa looga guuleystay aqalka wakiillada.

Toddobo xubnood oo aqalka Senetka ku matalayay xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo malaynayaa in ay difaacdeen kuraastoodii gobollada waqooyi bari, deegaannadaasna waxaa ka mid ah Connecticut, Massachussetts iyo Pennsylvania.

Dhanka aqalka sare ama Senedka, 33 xubnood oo aqalka Senedka ah ayaa dhanka kalana loo loolamayaa, si xisbiga Dimuqraadigu uu u helo aqlabiyaddana, wuxuu u baahan yahay in uu ku guulaysto labo kursi oo Jamhuurigu horay u ugu fadhiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment