1983 Views

Dalxiisayaal ku xaniban garoonka diyaaradaha MOI ee magaalladda Mombasa

Dalxiisayaal ku xaniban garoonka diyaaradaha MOI ee magaalladda Mombasa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2018 – Diyaarad ay la socdeen 121 Dalxiisayaal u dhashay Jarmalka ayaa barqanimadii maanta degdeg u caga-dhigatay Garoonka Caalamiga  ee  Moi International Airport ee magaalladda Mombasa, wax yar kadib, markii ay ka hinqatay Garoonkaasi.

Diyaaraddaasi oo ku sii jeeday Jesiiradda Zanzibaar ee dalka Tanzania ayaa la sheegay inay raxan Shimbiro badan ku soo yaaceen,  iyadoo ay 2-shimbir ku dhex dhinteen mid ka mid ah Matoorka Diyaaradda o oshaqadii gabay.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay soo degto iyadoo uu hal matoor ka cilladaysnaa.

Shirkadda Diyaaradda ee The Condor ayaa leh Diyaaradaasi oo ay la socdeen Dalxiisayaal u soo tamashle tegay dhulka loo dalxiis tago ee Kenya.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda o oaan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo ayaa u sheegay Wargeyska Nation inay Dalxiisayaasha qaadan doonaan Diyaarad kale, si ay berrito ugu dalxiis tagaan Zanzibaar.

Maareeyaha Garoonka Moi International Airport, Walter Agong ayaa sheegay inay Diyaarad Transit ahaan kaga timid magaalladda Franfurt ee dalka Jarmalka.

Shilalka Shimbiraha ku carqaladeeyaan Diyaaradaha isticmaala Garoonkaasi ayaa sii kordhayso, iyadoo ay Diyaarado badan si degdeg ah u caga dhigtaan Garoonkaasi.

Bishii October ee sannadkii hore, Diyaarad Turkish Airlines flight ayaa lagu khasbay inay degdeg u caga-dhigato Garoonkaasi, kadib, markii ay shimbir u dustay mid ka mid ah Matooradeeda.

dalxiisayaal-MOI-3 dalxiisayaal-MOI-2 dalxiisayaal-MOI-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment