828 Views

Dowladda Gariiga oo sheegtay in aysan qaabili doonin Qaxootiga u dhashay Syria iyo Soomaaliya

Dowladda Gariiga oo  sheegtay in aysan qaabili doonin Qaxootiga  u dhashay  Syria iyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

.

June 8 2021

Dowladda Gariiga ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin dadka magangalya doonka ah ee uga imaanaya wadamada Syria iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo gudbaya dalka Turkiga.


Wasaaradaha arrimaha dibada iyo soo galootiga ee dalka Gariiga ayaa sheegtay bayaan ay si wadajir ah usoo saareen in qaraarka xukuumadda Athina uu yahay mid saameyn doona dadka magangalya doonka ah ee kasoo jeeda wadmada Afgaanistan,Pakistan,Bangaladesh iyo Soomaaliya.


Labadaan Wasaaradood ayaa sheegay in Turkiga uu yahay dal u diyaarsan inuu qaxootiga magangalyo siiyo aysana aqbali doonin dadka xadka uga soo talaabaya ee magangalya doonka ah.


Wasiirka socdaalka Gariiga ayaa sheegay in dalkiisa xiligaan wixii ka dambeeya aysan qaabili doonin ama aqbalayn dalabyada magangalkya doonka ah ee wadama muwadiniintooda kasoo talaabayaan Turkiga.


Qaraarkaan cusub ayaa ah mid dowladda Gariiga ay ku tilmaamtay mid ay kula dagaalamayso soogalootiga sharci darada ah iyo kuwa dadka tahriibiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post