942 Views

Warbaahinta UK oo Hadal haysa Guurkii Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo Carrie Symonds qarsoodiga

Warbaahinta UK oo Hadal haysa Guurkii Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo Carrie Symonds qarsoodiga
____________________________________________________________________________

May 30 2021

Waxaan maanta maqalnay warka ah in Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson uu gacalisadiisa Carrie Symonds ku aroosay xaflad si qarsoodi ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday kaniisadda Westminster Cathedral. Lammaanaha ayaa qorsheynaya in sanadka dambe ay mar kale la dabaal degaan qoysaskooda iyo saaxiibbadood.

Balse waa maxay shuruucda UK xilligan uga degsan aroosyada?

Gudaha England, lamaaneyaasha ilaa 30 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayay ku casuumi karaan xafladda. Qof walba oo shaqeynaya laguma xisaabinayo tiradaas.

Dowladda ayaa hore u seegtay inay rajeyneyso inay xayiraadaha aroosyada qaaddo wixii loo gaaro 21 June – waxaa arrintan faahfaahin dheeraad ah laga heli doonaa 14 June.

Gudaha Scotland, ilaa 50 qof (oo ay ku jiraan lammaanaha iyo marqaatiyaasha) ayaa ka qeybgeli kara xafladaha aroosyada – iyadoo dadka laga doonayo inay 2m isu jirsadaan. Af-xirashadu waa ku waajib dadka, laakiin kuma jiraan lammaanaha.

Waxaa la filayaa in shuruucdan wax laga beddelo 7 June, markaas oo la oggolaan doono inay kulmaan ilaa 100.

Gudaha Wales, ilaa inta ay xarunta xafladda qaaddo ayaa imaan karta, balse waxaa qasab ah kala fogaanshaha bulshada.

Waqooyiga Ireland, ma jirto tiro xaddidan oo ka qeybgalaya xafladaha aroosyada, balse waxaa maamulka xarunta ku waajib ah inay qiimeeyaan inta qof ee ka qeyb geli karta.

Mar Wasiirka Tallaalka wax laga weydiiyay in sababta Ra’iisul Wasaaraha iyo gacalisadiisa ay u sugi waayeen 21-ka June oo ah xilliga la filayo in la qaado xayiraadda aroosyada, ay tahay inaanba la qaadi doonin xayiraadda, ayuu wasiirka Nadhim Zahawi wuxuu sheegay inuusan waxba ka oran karin arrintaas .

Office Naoirobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post