864 Views

Qofkii labaad ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyooday K/Afrika

Qofkii labaad ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyooday K/Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Alle ha u Naxariistee waxaa Magaladda Cape town ee Gobolka Western Cape Cape dalka Koonfur Afrika Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Sheekh.
Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu Cudurka COVID-19 uu la jiifay isbitaal ku yaalla Magaalada Capetown,hayeeshee ugu dambeyn uu xalay u geeriyooday.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Allaha u Naxariistee Marxuum Axmed uu noqonayo Soomaaligii labaad ee ugu geeriyooda COVID19 dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaladda Cape town.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ugu geeriyooday Cudurka COVID19 ayaa waxaa la sheegay in muddo badan uu ku noolaa dalkaas,isla markaana uu Caanka ahaa Magaalooyin kamid ah dalkaas dadka Soomaaliyeedna uu caawin jiray.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka laga helay Cudurka Coronavirus dad badan oo dalkaasi u dhashayna ay u geeriyoodeen, waxaana 21-kii Bishii April ee sanadkan 2020 dalkaasi Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah,kaas oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cali Kheyre.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment