807 Views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 10 |  2020
—Ku-Simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Muqdisho, Madaxweyne ku-Xigeenka ayaa ka qeybgalaya Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya AHUN Cali Khaliif Galayr.

Xubno isugu jira Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Airport ee Muqdisho.

Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa goor dhow lagu waddaa in laga soo dejiyo garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Maalintii shalay aheyd ayaa lagu waday in la keeno Muqdisho laakiin sababo jira ayaa dib loogu dhigay oo ay ka mid yihiin in baaritaano lagu sameeyo waxyaabaha keenay geeriddiisa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post