978 Views

Guddoonka BFJS oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Guddoonka BFJS oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 18, 2020—Guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJ mudane Maxamed Mursal Cabdiraxmaan  ayaa u hambaleeyay guddoomiye Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Ku-xigeenadiisa,isagoo u rajeeyay in eebe uu Ku guuleeyo xilka loo igmaday.

 

 

 

Sidoo kale mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudddoomiyaha Aqalka sare ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediye guddoonka baarlamaanka Galmudug.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay guddoonka baarlamaanka Galmudug ee la doortay in si hufan ay u gutaan waajibaadka loo doortay

 

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment